Raila Odinga oo baaq uu diray dowladda dhexe ee dalka .

Hoogaamiyaha Xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u furto dhaqaalaha dalka isla markana ay dajiso habraac wanaagsan sii cudurka Covid-19 uusan u faafin.

Raila oo Maanta ka hadlayay deeganka Mvita halkaasi oo uu Xildhibaanka deeganka Mvita Abdulswamad Shariff Nassir iyo muslimiinta uu kala qayb galay salaada Ciida ayaa sheegay in Cudurka Covid-19 uu saameyn adag oo dhaqaale uu ku yeeshay shacabka kenyanka ah.

Odinga ayaa Madaxwyenaha ugu baaqay in uu kordhiyo lacagaha caawimaadka ah ee la siiyo dadka tabarta yar.

Raila ayaa sido kale dowladda ugu baaqay in ay Xaqiijiso in dhamaan shacabka ay helaan talaalka labaad ee Cudurka Covid-19.

Dhanka kale barasabka ismaamulka Mombasa Ali Hassan Joho ayaa sheegay in xisbiga ODM uu qaban doono doorashada Xisbiga dhexdiisa ah oo lagu soo Xuli doono Musharaxa xisbiga uga qayb gali doono doorashada Madaxtiniimada ee 2022-ka.

Xidlhibaanka deeganka Mvita Abdhulswamad Shariff Nassir ayaa kenyaanka ugu baaqay in ay doortaan hoogaamiye Wanaagsan doorashada soo socota.

Raila ayaa Maanta sido kale la kulmay Siyaasiyiin kaso jeeda gobolka Bartamaha dalka.

  

Latest posts

Tiro Bukaana ah oo Maanta uu dhintay Cudurka Covid-19

Iftiin FM Reporter

Dr. William Ruto oo sheegay in uu diyaar uu yahay la shaqeynta Madaxwynaha .

Iftiin FM Reporter

Martha Koome oo sheegtay in kenyanka ay heli doonaan cadaalad buuxda .

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi