Raila Odinga oo farta ku fiiqay barasabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga

Hoogaamiyaha xisbiga odm Raila Odinga ayaa barasabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ku cambaareeyay tilaabada uu Wax ka badan hal sano  Musharaadka iyo gunooyinka uga xayiray kuxugeenkiisa Caroline Karugu

Raila ayaa sheegay in ay ceeb tahay in Dr. Karugu ay ku qasbanaatay in ay kiis Maxkamada uu gudbiso si ay xuquuqdeeda u raadiso iyada oo xafiiska joogta oo waajibaadkeeda gudaneysa.

Raila ayaa Maanta hadalkan ka sheegay aaska hooyada barasab kuxugeenka Nyeri Mama Jacinta Wanjiku Karugu.

Barasabka oo sido kale aaska ka qayb galay ayaa raali galin ka bixiyay khilaafkii isaga iyo kuxugeenkiisa soo kala dhexgalay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in haweenku  ay tahay in loola dhaqmo si xushmad leh.

Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, ayay Dr. Karugu dacwad kusoo oogtay gavanaha ismaamulkaasi Mutahi Kahiga iyo xoghayaha countigaas kadib markii laga joojiyay  mushaaraadkeeda isla markana loo diiday inay gasho xafiiskeeda.

  

Latest posts

Raila oo ku dhawaaqay qaar kamid ah Golahiisa Wasiiro kahor doorashada bisha agosto

Iftiin FM Reporter

Raila Odinga oo Maanta ku dhawaaqay in Martha Karua uu uso xushay in ay uu noqoto Madaxweyne kuxugeen.

Iftiin FM Reporter

khilaaf ka dhex abuurmay siyaasiyiinta kawada tirsan isbaheysiga Kenya kwanza ee ismaamulka Trans Nzoia

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi