Musharaxa kursiga madaxweyne ee isbaheysiga Azimio la umoja – One Kenya Alliance ee Raila Odinga ayaa ballan qaaday in uu furi doono dhaqaalaha gobolka xeebta isaga oo sahaminaya dhaqaalaha buluugga ah.
Musharaxa madaxweyne ee isbaheysiga Azimio La Umoja ee Raila Odinga ayaa sheegay in marka loo doorto kursiga madaxweynaha uu taageeri doono ganacsatada Juakali ee boqolkiiba 34 ka qeyb qaata wax soo saarka guud ee dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya ayaa sheegay in la diyaariyay habab lagu kobcin doono dhaqaalaha dalka.
Raila Odinga oo kulan la qaatay madaxda ismaamulka Kilifi ee ka tirsan isbaheysiga Azimio La Umoja ayaa si kulul u cambaareeyay barasaabka ismaamulka Kilifi, Amason Kingi oo ku biiray isbaheysiga Kenya Kwanza.