Raila Odinga oo la kulmay dadka Curyaaminta ee dalka

Musharaxa madaxweyne ee isbaheysiga  Azimio la Umoja One Kenya Coalition Raila Odinga ayaa sheegay in dadka curyaaminta ee dalka ku nool ay la kulmaan takoor iyo gacan bidixeyn .

Musharaxa madaxweyne ee isbaheysiga  Azimio la Umoja One Kenya Coalition Raila Odinga oo garoonka kubadda cagta ee Nyayo kula kulmay 900,000 oo ah dadka naafada ayaa sheegay in 47,000 oo ka mid ah dadkani curyaaminta ah ay ka faa”iideystaan barnamijka lacagaha caddaanka ee ay dowladda bixiso

Mudane Raila Odinga  ayaa carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in dadka curyaaminta ah laga qeybgeliyo barnamijyada horumarinta ee dalka 

Wakiilka dumarka ee Ismaamulka Nairobi  Esther Passaris iyo xoghayaha guud ee xisbiga ODM  Edwin Sifuna ayaa ugu baaqeen Raila Odinga in uu boqolkiiba 15  guryaha qiimaha jaban uu u qoondeeyo dadka curyaaminta ah haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynaha .

  

Latest posts

Ururka Macalimiinta ee KNUT oo ka hadlay Manhajka CBC-da

Iftiin FM Reporter

Meyd laga soo saaray god macdanta laga qodo oo kuyaala deeganka Bondo

Iftiin FM Reporter

Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo baaq u diray kenyanka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi