Sare u kac ku yimid qiimaha la siisto baabuurta la soo isticmaalay Kenya.

Qiimaha baabuurta la soo isticmaalay  gudaha  dalka  ayaa kor u kacay celcelis ahaan 37 boqolkiiba lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Qimaha lagu soo dhoofiyo gawaarida  laga soo saaro dalka  Japan  sida Toyota Harrier, Toyota Fielder, Toyota Rav 4, Toyota Premio iyo Nissan X-Trail  ayaa maraya inta uu dhaxeyso 408,000 shilin  iyo Sh791,000 tan iyo  bishii Ogosto la soo dhaafay,sida lagu sheegay xogta ka soo baxday ururka Kenya Auto Bazaar Association oo  wakiil ka ah  ganacsatada ka shaqeystaan  baabuurta la soo isticmaalay .

Ganacsatadani ayaa waxay ka dhawaajiyeen in ay  tartan adag ay kala kulmayaan dhanka ganacstada sida tooska ah baaburta  uga soo iibsadaan  suuqyada  Japan iyo UK .

Inta badan ganacstada suuqyada horumaray  ayaa waxay iibsadaan baabuur cusub  inkasto oo ay hadda  bilaabeen inay iibsadaan baaburta la soo isticmaalay 

  

Latest posts

Dawladda oo bilawday hannaan Waaxda Cashuuraha Kenya ee KRA loogu beddelayo Waaxda Adeegga Cashuuraha ee Kenya.

Iftiin FM Reporter

Ganacsatada kalluunka oo taageero ka helay dowladda

Beeralayda kafeega ee degmada Trans Nzoia oo baaq loo diray

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi