Sare u kac ku yimid qiimaha lagu raaco basaska

Daraawalada Matatu-yada ee magaalada Naivasha ayaa waxay manta ku dhawaaqeen in ay boqolkiiba 25 ay kordhinayaan qiimaha lagu raaco matatu-yadooda

Daraawaladani ayaa go’aan ku gaareen in ay kordhiyaan qiimaha lagu raaco gawaarida kadib markii dowladda ay sagaal shilin ku kordhisay qiimaha shidaalka

Also Read
Dowladda Kenya oo ka hadashay canshuurta.

Daraawaladani ayaa waxay sheegeen in qiimaha lagu soo raaco matatu-yada ee Naivasha ilaa Nairobi ay ka dhigi doonaan 250 shilin halka horaan qiimahaasi uu ahaa 200 oo shilin .

Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihin gawaarida Matatu-yada ee Deegaanka Naivasha Stephen Mungai ayaa sheegay in qaar ka mid ah milkiilayaasha gawaarida ay baaburadooda kala baxeen wadooyinka.

Also Read
Cudurka corona oo saameeyay hawlaha shirkadda duulimaadyada ee Kenya Airways.

Guddoomiye Stephen Mungai ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo markii uu dilaacay cudurka corona aysan kordhin qiimaha lagu raaco gawaaridooda

Also Read
Kenya xariga ka jartay howlgal ballaraan oo lagula dagaalamaya ka ganacsiga iyo isticmaalka khamriga iyo daroogooyinka.

Mid ka mid ah daraawalada matatu-yada oo lagu magacaabo Duncan Ongeri ayaa sheegay in macamiisha ay gacanta jeedka gelin doonaan islamarkana bixin doonaan qiimaha cusub ee lagu raaco matatu-yada .

  

Latest posts

Kenya oo horumarinaysa fursadaha ganacsiga ee caasimada Nairobi

Iftiin FM Reporter

Dowladda Kenya oo ka hadashay qiimaha shidaalka

Iftiin FM Reporter

Qar ka mid ah ganacsatada magaalada Nairobi oo ka cawday lacaga ay dowladda ka qaado

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi