Sergio Aguero oo ka shifay Sir kusabsan Man City

.Weeraryahankii hore ee Kooxda Manchester City ayaa  lasoo sheegaya  in layaab noqon doonto haddii City ay Bernardo Silva u ogolaato inuu tago oo uu ku biiro Barcelona.

Xiddigii hore  Sergio Aguero ayaa shaki ka qaba in Manchester City ay diyaar u tahay inay Bernardo Silva u ogolaato inuu ku biiro Barcelona xagaagan, laakiin waxa uu qiray in wax walba ay macquul yihiin.

Also Read
Manchester United oo heshiis la galeysa xiddigaha Raphael Varane iyo Kieran Trippier.

Kooxda reer Spain ayaa si xoog leh loola xiriirinayey xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal todobaadyadii dhowaa, waxaana horraantii isbuucan soo baxayay warar sheegaya inay Man City kula heshiiyeen lacag dhan 46 milyan oo gini si ay u helaan laacibkan, laakiin taas waxaa diidday kooxda reer England.

Also Read
Liverpool oo guul gaartay .

Aguero ayaa ka tagay City kuna biiray Barcelona qeybihii ugu dambeeyay ee xirfaddiisa ciyaareed, mana uusan iska fogeyn suurtagalnimada uu Silva ku mari karo wadaddiisii, weeraryahankii hore ee xulka Argentina ayaana sheegay in Silva uu qeyb weyn ka noqon doono qorshaha Tababare Xavi ee Barcelona haddii uu u dhaqaaqo garoonka Nou Camp.

Also Read
Tababare Jurgen Klopp oo sii joogaya Kooxda Liverpool.

“Layaab ayay igu noqon doontaa haddii Man City u ogolaato inuu tago.”

Silva ayaa shumac ka ahaa Man City tan iyo markii uu kaga soo biiray Kooxda Monaco sanadkii 2017, isagoo kula guuleystay afar horyaal oo Premier League ah shantii sano ee uu joogay garoonka Etihad.

  

Latest posts

Hay’adda Micontrap oo sheegtay in ismaamulka Migori uu ku badan yahay Gudniinka gabdhaha

Iftiin FM Reporter

Daaficii hore ee Chelsea William Gallas oo weerar afka ah ku qaaday tababare Graham Potte

Iftiin FM Reporter

Real Madrid oo tallaabo uu qaaday Joao Cancelo

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi