Waxa si Rasmi ah u soo afjarmay horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2021/2022 waxana la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka shalay oo Axad ahayd.
Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo horyaalka ku garaacday kooxda Liverpool maalintii ugu dambaysay horyaalka.
Kooxaha Liverpool, chelsea iyo Tottenham ayaa xaqiiqsaday booskooda wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay ku dhamaysteen kaalmaha loogu soo boxo tartanka.
Dhanka kale Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa ku dhamaystay kaalmaha loogu soo boxo tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.
Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka Waxa la soo saaray shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka premier League oo ay soo saartay shabakada BBC Sport.
Shaxda waxa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda liverpool oo kule 5 xiddig halka ay kooxda ku guulaystay horyaalka ku leedahay 3 xiddig.