Shirka Midowga Afrika oo furmaya iyo dalal badan oo ka qeybgalaya

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea  ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka bilowdo  shir madaxeedka  Midowga Afrika oo diiradda llagu saaraya arrimaha  argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.

Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).

Also Read
Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.

Also Read
Hey'adda IOM oo sheegtay in 74 muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Libya.

Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.

Also Read
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirkii Dhuusamareeb.

Bishii Maarso, Midowga Afrika ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana ku qabtay Madal Milicsi oo ku saabsan Isbeddellada aan Dastuuriga ahayn ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa dib u soo cusboonaada isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee Afrika.

 

  

Latest posts

Dowladda Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag lagu eedeyay falal Amni darro

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gaaray degmada Dhoobleey

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo diyaar uu ah in uu wadahadallo la galo Xisbiyada Mucaaradka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi