Taarikh nololeedka madxweynaha cusub ee dalka Kenya

Madaxweynaha cusub ee dalka  William Ruto ayaa ku dhashay deegaanka Sugoi Ismaamulka Uasin Gishu sanadkii 1966-dii 

madaxweynaha cusub Dr William Ruto  ayaa yaraantiisa wax ku soo bartay  iskuulka hoose ee Primary-ga  Kamagut Primary school, kadib waxaa uu ku biiray iskuulka secondary-ga ee wareng.

Dr William Ruto  ayaa kadib ku biiray jaamacadda Nairobi halkaasi oo shahaadada degree-ga uu ka dhameeyey sanadkii 1990

Madaxweynaha dalka  ayaa dib ugu laabtay  jaamacadda Nairobi intii uu dhaxeysay 2011-kii ilaa 2018-kii halkaasi oo shahaadada PHD-ga uu ka qaatay.

Dr William Ruto ayaa ahaa madaxweyne ku xigeenka intii uu dhaxeysay 2013-kii ilaa 2022-ka kadibna wuxuu noqday madaxweynaha ee dalka .

Bishii October sanadkii 2014-kii ayaa Dr William Ruto wuxuu si ku meel gaar ah uu nooqday madaxweynaha kadib markii Uhuru Kenyatta uu gaaray maxakamadda ICC-da halkaasi oo ay ka socoto dacwad loo haystay .

Dr William Ruto ayaa sanadkii 2011-kii ,wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaad lix ah oo lagu eedeyey in ay ka danbeeyeen rabshadihii dalka ka dhacay  doorashada 2007/2008- kadib  balse markii danbe maxakamadda ICC-da ayaa daaqadda ka saartay dacwaddaasi.

Dr William Ruto ayaa markii ugu horeysay barlamaanka galay sanadkii 1997 markaasi oo uu ahaan xildhibaanka waqooyiga Eldoret, kadibna wuxuu soo qabtay xilal kala duwan sida wasiir ku xigeen ,1998-dii ilaa 2002-dii

Dr William Ruto ayaa noqdya wasirka wasaaradda arrimaha gudaha dalka  ee xafiiska madaxweynaha kadib markii shaqada  wasiirnimo laga saaray George Saitoti.

Madaxweynaha cusub ee dalka  William Ruto ayaa soo noqday wasirka wasaaradda beeraha  iyo waxbarashada sare .

Sanadkii 2005-dii ilaa 2010-kii wuxuu ka soo horjeestay aftida dalka laga qabtay 

  

Latest posts

Barasabka ismaamulka kwale Fatuma Achani oo ka hadashay abaarta ka jirta deegaanada Ismaamulkaasi

Iftiin FM Reporter

Uurka gabdhaha iskuuleyda oo ku batay Ismaamulka Narok

Iftiin FM Reporter

Meydadka askartii lagu dilay weerarkii ka dhacay Ismaamulka Turkana oo la aasay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi