Tababare Ancelotti Oo Xaqiijiyay Xiddigo Badan Oo Kooxdiisa Ka Maqnaan Doona Kulanka Elche

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa  daboolka ka qaaday in shan  xiddig  ay  seegi doona kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Elche ee koobka Copa del Rey-ga.

Also Read
Kooxda Inter Milan iyo Ac Milan Oo Ku Heshiiyay Bar-Baro Lugta 1-aad Ee Semi-final-ka Coppa Italia

Kooxda Real Madrid ayaa ciyaari doona Copa del Rey-ga habeenka khamiista iyaga oo marti u noqon doona kooxda Elche.

“Courtois, Asensio, Mariano, Vallejo iyo Carvajal dhamaantood lama heli karo berri, dhamaan ciyaartoyda kale waxay diyaar u yihiin inay ciyaaraan” ayuu Carlo Ancelotti u sheegay warbaahinta.

Also Read
Kooxaha Man United iyo Atletico Madrid oo Bar-Baro Ku Heshiiyay

“Dhibaatada Courtois ma ahan mid halis ah laakiin ma sheegi karo Sida ay wax u jiraan, waxan u malaynayaa in uu soo laaban doono kulanka La Liga ee Axada”ayuu tababaruhu sii raaciyay.

  

Latest posts

Daaficii hore ee Chelsea William Gallas oo weerar afka ah ku qaaday tababare Graham Potte

Iftiin FM Reporter

Real Madrid oo tallaabo uu qaaday Joao Cancelo

Iftiin FM Reporter

Kooxda chelsea oo ku biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi