Tababare Diego Simeone oo ka hadlay Antoine Griezmann.

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa manta  sheegay inay adag tahay in markale ay dib ula soo saxiixdaan Antoine Griezmann oo haatan ka tirsan Barcelona, kaddib markii lala xiriiriyay ciyaaryahanka inuu ku laabanayo Rojiblancos.

Xiddiga  Antoine Griezmann waxaa la xiriiray ku laabashada kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, maadaama Barcelona ay dooneyso in iibinta Griezmann ay ka xaliso dhibaatada dhaqaalo ay ku jirto, kaasoo uu sababay caabuqa Korona Fayras.

Also Read
20-ka gooldhaliye ee ugu fican kubadda cagta.

Kooxda Barcelona ayaa u baahan inay iibiso ciyaartoy badan inta suurtagalka ah si loo yareeyo mushaharka ciyaaryahanada, maadaama ay sameysay heshiisyo cusub ay ka mid yihiin Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric García, iyo marka lagu daro inaysan cusbooneysiin qandaraaska halyeeyga Lionel Messi.

Also Read
Kulanka: Liverpool Vs West Ham.

Warar badan oo saxaafada Spain ah ayaa xaqiijiyay in Antoine Griezmann uu qarka u saaran yahay inuu markale dib ugu laabto Atletico Madrid, laakiin waxay u muuqataa in arintu aysan dhici doonin, kaddib markii uu Diego Simeone la hadlay dhawaan wargeyska “Marca” ee dalka Spain.

Also Read
Rasmi: Liiska xiddigaha xulka qaranka ee Holland oo la soo saaray.

Haddaba Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Griezmann:

 

  

Latest posts

Man United oo iska iibin doonto Anthony Martial.

Iftiin FM Reporter

Kooxda Liverpool oo raadineysa xiddig khadka dhexe ka dheeli karo.

Iftiin FM Reporter

 Kooxaha Manchester City iyo Chelsea oo raadinayaan xiddig ka tirsan Barcelona.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi