Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa mar kale warbaahinta uu xaqiijiyey in Citizens ay diyaar u tahay inay u tartanto hanashada horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa xalay guul ka soo heshay kooxda Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.
Haddaba Pep Guardiola ayaa kaddib ciyaarta wuxuu u sheegay shabakadda caalamiga ah ee “BBC”:
“Ciyaarta waxay ahayd mid cajiib ah oo adag, waan ognahay taas.”
Intaas kaddib Guardiola ayaa la waydiiyay haddii ay Man City diyaar u tahay in ay u dagaalanto hanashada Premier League, wuxuuna ku jawaabay:
“Manchester City waxay diyaar u tahay inay u dagaalanto hanashada horyaalka Premier League.”