Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa carabka ku dhuftay in dhaawacyada yar ee Man City iyo waliba kiisaska yar ee xanuunka Korona ay door ka qaateen tartanka horyaalka premier League.
Inkasta oo ay hogaanka u hayeen horyaalka premier league bilowgii xilli ciyaareedka hadana Blues ayaa haatan 10 dhibcood ka dambaysa kooxda Man City.
“Waxa laga yaabaa in ay nasiib leeyihiin ama ay shaqo fiican qabteen laakiin dhaawacyo badan lama kulmin xiddigeheeda ugu muhiimsan sidoo kale xanuunka Korona kagama maqnaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda”