Turkiga oo cadaadis xoogan saaray Ruushka

Wadaanka  Turkiga ayaa sii xoojiyey  cadaadiska uu ku hayo joogintaanka militariga Ruushka Syria, iyada oo go’aansatay inay hawadeeda ka xidhato diyaaradaha Ruushka ee u safraya dalka Syria illaa bisha July.

Wadaanka  Turkigu ayaan sheegeen   sababta rasmiga ah ee ay tallaabadan u qaadeen, iyada oo Ankara iyo Moscow ay kala taageerayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya dalka Syria, inkasta oo ay iska kaashanayaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan dalkaasi.

Also Read
Mareykanka oo ka hadlay duqeymihii Soomaaliya uu ka fuliyey .

Huseyin Bagci, oo ah madaxa machadka siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa sheegay in tallaabadan ay ku soo beegantay iyadoo dalka Turkigu uu xulafadiisa reer galbeedka la wadaago, inay ka soo horjeedaan duullaanka Ruushka ee Ukriane, waxaana arrintan saldhig u ah in Turkigu uu doonayo inuu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay isbahaysiga NATO ee uu ka tirsan yahay iyo dalka Maraykanka.

Also Read
Shirweyne ka socdo dalka Turkiga

Marinka hawada ee dalka Turkiga ayaa ah, dariiqa ugu fudud ee ay mari karaan diyaaradaha Ruushka ee saanadda iyo adeegyada militariga gaadhsiinaya ciidamada Ruushka ee ku sugan saldhiga militari ee uu ku leeyahay Syria. Inkasta oo ay jiraan jidad kale oo ay isticmaali karaan, hase ahaatee Ruushka ayaa ka cabsi qaba in dalka Turkigu inuu u janjeedhsado dhinaca Maraykanka si loo go’doomiyo Ruushka.

Also Read
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo la shiray Golaha wasiirada Koofur Galbeed.

 

  

Latest posts

Sudan iyo Itoobiya oo heshiiyay

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socda QM

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi