Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo cadaalad buuxda heli doonto .

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo warbaahinta  la hadlay  ayaa sheegay in dadkani eedeysanayaashani lala xisaabtami doono.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaallaa dhibaatooyin isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray sil sillad sida ay Warbaahinta u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Also Read
Dowladda Soomaliya oo ka hadashay abaarta ee dalkaasi ka jirta .

Qoyska Ubax ayaa Warbaahinta u sheegay in dhaawacyada ku yaala jirkeeda ay yihiin kuwa dhammaan uu wada dhaawacanyahay oo ay kula kacday haweeney uu u geeyey Aabaheed, taas oo si arxan daro ah nolosha ugu ciqaabtay dhibane Ubax.

Also Read
Militiriga dalka Myanmar oo joojiyey isticmaalka baraha bulshada.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxay ku booqdeen Ubax Ibraahim Cabdullaahi, waxaana la joogtay  Hooyadeed oo dhaawaceeda loogu geeyey Gobolka Gedo oo markii horaba gabadhaan ay ku soo kortay.

Also Read
Xubnaha baarlamaanka Britain oo dood ka yeeshay xaalada Afghanistan.

 

  

Latest posts

Ergeyga Qaramada Midoobay oo la kulmay

Iftiin FM Reporter

Shir dhex maray Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Iftiin FM Reporter

MD Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiiro kala duwan .

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi