Uhuru Kenyatta oo wada hadal dhanka taleefoonka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo dhigiisa dalka Japan Fumio Kishida.

Wadahadalka qadka taleefoonka ah ee madaxweyne Uhuru Kenyatta uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa laba hoogaamiye waxaa ay ka wada hadleen arrimaha diblomaasiyadeed iyo xiriirka dalka Kenya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta uga warabamay xaaladda dalka Japan ka dib dhulgariirkii ba’naa ee shalay ka dhacay bariga Aasiya.

Also Read
Mudane Raila Odinga oo sheegay in waxbarashada uu bilaash ka dhigi doono

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxa uu muujiyay sida dowladda Kenya ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Japan xilligan oo dalkasi uu la tacaalaayo ka soo kabsashada khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii ba’naa ee shalay ka dhacay bariga Aasiya

Also Read
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maxakamadda uu gudbiyey dacwad uu ku taageerayo BBI-da .

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo kale oo muhiim u ah Kenya iyo Japan oo uu ka mid yahay shirkii siddeedaad ee Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika oo dalka Tunisia uu martigelinayo bisha August ee sanadkan.

Dhanka kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wareysi khadka telefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Also Read
Uhuru Kenyatta oo la kulmay Wakiilo ka socdo hay'adda UNSC.

Madaxweyne Kenyatta ayaa bogaadiyay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Canada.

Madaxweyne Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa waxa ay ka wadahadleen arrimo la xiriira ganacsiga labada dal iyo sidoo kale nabadda iyo ammniga Geeska Afrika iyo arrimo kale.

  

Latest posts

Dr.William Ruto oo ka hadlay horumarka uu gaarsiin doono ismaamulka Marsabit

Iftiin FM Reporter

Bandow lagu soo rogay ismaamulada Baringo, Elgeyo Marakwet and West Pokot.

Iftiin FM Reporter

Isbaheysiga Azimio la Umoja-One Kenya oo olole siyaasadeed ku qabtay gobolka Mount Kenya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi