Waaxda Adeegga Magaalada Nairobi-NMS ayaa sheegtay in ay dhisi doonto tunnel loogu talagalay dadka lugeynaya kaasi oo laga dhisi dooono boostaajada basaskka Casriga ah ee Green Park terminal.
Arrintan ayaa Waxaa maanta ku dhawaaqay Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Eng. Michael Ochieng kadib markii la sameeyay tijaabadii ugu dambeysay ee baasaska casriga ah.
Terminalkan ayaa lagu waday in xariga laga jaro 24-kii bishii hore balse dib ayaa loo dhigay ka dib codsi uga yimid hawl-wadeenada gaadiidka dadweynaha.
Eng. Ochieng’ ayaa uusheegay in tijaabooyinka lagu guuleystay isla markana ay goobta basaska dhawaan shaqayn doonto.
Engineerka ayaa sidoo kale sheegay in rakaabka iyo dadka kale ee ay khuseyso aysan jirin sabab ay uga welwelaan maadaama ammaankooda la damaanad qaaday.