Waaxda KRA oo canshuur badan aruurisay

Hay’adda dakhlli uruurinta ee Kenya (KRA) ayaa sheegtay in ay gaartay   bartilmaameed ka sareeya kii ay hiigsaneysay  Sannad maaliyadeedka 2021/2022 ka dib markii ay aruurisay 976.659 bilyan oo shilinka dalka ah taasi oo ka badan intii ay hiigsaneysay oo ah  929.127 bilyan oo shilin.

Bayaan kaso baxay KRA ayaa lagu sheegay in arrintan ay ka dhalatay shacabka oo uu hoggaansamay bixinta  canshuurta.. 

KRA ayaa sheegtay in ay uruurisay canshuur dheeri ah oo gaareysa 47.532 billion oo shillin.

Intii lagu jiray qeybtii hore ee Sannad-maaliyadeedka, KRA  ayaa ururisay  355.787 bilyan oo shilin iyadoo la bartilmaameedsaday 322.737 bilyan oo shilin taasoo ka tarjumaysa dakhli dheeraad ah oo ah 33.050 bilyan oo shilin.

Dakhliga Kastamku ayaa diiwaangeliyay kobac boqolkiiba 19.5 ah 

  

Latest posts

Musalia Mudavadi oo loo magacaabay Xilka Madaxa golaha wasiirada.

Iftiin FM Reporter

Kalonzo Musyoka oo ka hadlay Guushii uu gaaray Dr William Ruto

Iftiin FM Reporter

Xildhibaanada Cusub ee barlamaanka oo la dhaarin doono

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi