Waaxda qaran ee Adeegga Bilayska NPS ayaa bulshooyinka ku nool ismaamulka Marsabit ku ammaanay sida ay iskood gacanta dowladda ugu soo celiyeen hubka sharci darada ah ee gacanta shacabka kujiray iyo taageeridda hawlgallada amniga ee aaggaasi.
Isagoo ka hadlayay kulan ay yeesheen kooxda amniga ee hay’adaha kala duwan iyo
hogaamiyayaasha bulshada ee ka socday gobolka dhexe ee Marsabit , sarkaalka u qaabilsan hub
ka dhigista ismaamulka Marsabit Bernard Mbata aaya u xaqiijiyay bulshooyinka deegaanka in
howlgalka amni ee hadda la fulinayo uu noqon doono mid si hufan loogu dhaqmo sharciga.
Mbata ayaa xaqiijiyay in bandowga 30-ka maalmood ah ee socda uu yahay mid lagu soo celinayo
xasilloonida.
Mbata ayaa u xaqiijiyay dadka deegaanka in kooxda amniga ee hay’adaha kala duwan ay sii wadi doonaan shirarka ay ku baraarujinayaan dadka deegaanka si shacabka loogu sheego in howlgallada aan lala beegsanayn beel gaar ah.
Mbata ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku dhiirigeliyay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo soo celiyo nabad waarta ka hor iyo ka dib xilliga doorashada.