Waddada weyn ee Nairobi Expressway ayaa hada uu furan isticmaalka dadweynaha.
Wadadan ayaa waxaa saaka xariga ka jaray wasiirka gaadiidka ee dalka James Macharia.
Macharia oo ka hadlayay munaasabada xariga looga jaray ayaa sheegay in wadadu ay gacan ka geysan doonto joojinta saxmadda wadooyinka ee Magaalada.
Macharia ayaa ku booriyay darawaalada Kenyanka ah in ay si joogta ah u isticmaalaan wadada si ay shirkada Moja Expressway oo ah shirkad hoos timaada China Road and Bridge Corporation, ay awood ugu hesho in ay dib uso ceshato lacagta lagu dhisay dhismaheeda iyada oo loo marayo khidmada laga qaado daraawalada kahor inta aan wadada dib loogu soo celinin wadada gacanta dowladda kenya.
Macharia ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 11,000 oo baabuur ilaa hadda la diiwaan galiyay si ay u isticmaalaan wadada.
CS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qorshe ay dowladdu ku dayactirayso wadadii hore ee Mombasa oo ay ku baxayso lacag dhan sagaal bilyan oo shilin.
Waxa uu sheegay in hagaajinta waddadu ay sidoo kale ka mid noqon doonto khadka Gaadiidka Degdegga ah ee Baska (BRT) si uu gacan uga geysto fududaynta ciriiriga gaadiidka.
Waddada Nairobi Express way oo uu cabirkeeda dhan yahay 27.1 kiiloomitir ayaa ka bilaabataa Mlolongo iyada oo sii maraysa JKIA iyo bartamaha Nairobi ee CBD ilaa isgoyska James Gichuru ee Wadada Waiyaki Way.