Warar kasoo baxay Shirka Madaxda Sare ee Dowladda Somalia & Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb..

Wararka ay Idaacadda Risaala ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in la soo geba-gabeeyay kulamadii horudhaca u ahaa Wajiga labaad ee shirka Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Kulamada oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo mararka qaar aad u adkaa oo lagu kala kacayay sida arrimaha dhinaca doorashooyinka oo laba mowqif ay kala wateen Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Also Read
Dowladda Masar oo isbaheysi la sameysaneyso dowladda Suudaan iyo maamulka Israel.

Wararka la helayay ayaa waxaa ay sheegayeen intii ay shirarka socdeen in Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysanayay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay sheegayeen inaysan macquul aheyn waqtigaan.

Also Read
Mareykanka oo soo dhaweeyay xiriirka cusub ee Somaliland iyo Taiwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro xoogaa isku soo dhawansho ah balse aan weli go’aan rasmi ah,sidoo kalena saacadaha soo socda ay siwadajir ah war-murtiyeed u soo saari doonaan.

Also Read
Dab xoogan oo ka kacay gudaha Dalka Spain .

Dhinacyada wararka horudhaca ah ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la isku raacay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo basle ay dhinacyada ka hehsiiyaan, in Guddi farsamo loo saaro iyo in muddo kooban gudaheed a isugu yimaado Dhuusamareeb.

  

Latest posts

Madaxwaynihii hore ee dalka Argentina oo eedeymo dhowr ah loo haysto

Iftiin FM Reporter

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay arrimaha dooroshooyinka

Iftiin FM Reporter

Maxaa diiradda lagu saaray Shirka golaha wasiirada Galmudug?

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi