Xiddiga khadka dhexe ee RB Leipzig Amadou Haidara ayaa la soo sheegaya inuusan dooneynin inuu ka tago kooxda bishaan iyadoo lala xiriirinayo Manchester United.
23-sano jirkaan – oo hadda ku maqan waajibaadka Koobka Qaramada Afrika isagoo ka tirsan xulka Mali ayaa lala xidhiidhinayaa Man United iyada oo uu Ralf Ragnick ka dhigtay badalka ugu muhiimsan.
Wararka la xidhiidhinaya Man United bisha January ayaa joogsadaytodobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii uu xiddigu iska diiday ku biirista Red Devils inta lagu jiro suuqa January.
Wargayska Daily Mail ayaa sheeaya in uuna xiddiga khadka dhexe doonayn in uu ka tago kooxdiisa RB Leipzig inta lagu jiro suuqa january.