Cidamada booliska ayaa waxay xabsiga dhigeen xildhibaankii hore ee deegaan barlamaanka Garsen Danson Mungatana.
Xildhibaankani hore ee deegaan barlamaaneedka Garsen Danson Mungatana ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeyey falal musuqa maasuqa ah .
Cidamada booliska ayaa waxay sheegeen in mr Danson Mungatana uu waday qorsho uu ku doonayey in uu lacago uga dhaco haween kadib markii uu ka ballanqaaday in uu u fududeyn doono helitaan qandaraas .
Taliyaha booliska countiga Nairobi Rashid Yakub ayaa sheegay in haweeneydani ay la tagtay saldhiga cidamada booliska ee militiriga dokumentiyada qandaraasta kuwaasi oo baaritaano kadib lagu ogaaday in ay yihin dokumentiyo been abuur ah .
Haweeneydani ayaa waxay sheegtay in sargaal sare oo ka tirsan militiriga ee dalka uu siiyey dokumentiyadani been abuur ah kadib markii uu ka ballanqaaday qandaraas
Xildhibaankani hore ee deegaan barlamaaneedka Garsen Danson Mungatana ayaa lagu wadaa in sacadaha inagu soo adaan la soo taago saldhiga booliska