Xubnaha Senetarada ayaa lagu wada in ay Markale kulmaan Maalinka isniinta ee inagu soo aadan sii ay uga doodan Biilka Muranka badan dhaliyay ee nidaamka dakhli qaybinta dalka.
Kullanka isniinta ayaa nooqaya kii sagalaad ee ay Senetarada Yeeshaan kadib markii sideed jeer oo hoore laisku mari wayay.
Kullankan ayaa Markii hoore loo balansanaa Maanta oo khamis ah balse afhayenka aqalka senetka Kenneth Lusaka ayaa sheegay in kullankasi dib loo dhigay cilaado farsamo awgeed.
Talaadaadi aynu soo dhaafnay ayu afhayenka xubnaha senetarada ugu baaqay in ay markale dib iskugu soo noqdaan maanta oo khamis ah.
Senetka ayaa isla maalinkasi aaday fasax bil ah taasi oo mesh aka saartay surta galniimada ay senetarada maanta ku kulmi lahaayen.
Sida ku xusan dastuurka dalka afhayenka aqalka barlamaanka ayaan wax awood ah uu lahayn In uu senetarada iskugu yeero kullan aan caadi ahayn iyaada oo aanan hoogamiyaha aqlabiyada unan codsanin