Wadanka Ruushka ayaa mar kale wadamada ka tirsan gaashaanbuurta uga digay inay ciidamo u diraan dalka Ukraine xilli ay soo baxayaan wararka sheegayo in dowladda Ruusha ay ciidan uruursi ka wado deegaannada dhaca xadka.
Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay si deg deg ah uu qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah waa haddii gaashaan buurta Nato ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.
Tan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii kululaaneyso Xiisadda ka tagan bariga Ukraine iyadoo uu dagaal dhexmaray ciidamada Ukraine iyo kooxaha gooni u goosadka ee uu taageero Ruushka.
Sarkaal ka tirsan Nato oo wareysi gaar ah siiyey wakalaadda wararka ee Reuters ayaa carabka ku dhuftay in Ruushka uu faragelin ku hayo dadaallada lagu xoojinayo amniga bariga Ukraine isla markaana safiirada Nato ay Khamiistii kulan ka yeesheen xaaladda.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay tallaabada Ruushka, wuxuu sheegay in Ruushka ay dhaqan u tahay dandaansiga iyo dhoolatuska ciidan ee ku sameynayo xadka.