Zidane iyo Conte oo shaqada kala wareegi doono tababaraha Man United.

Sida ay shaaca ka qaadeen warbixinada ka imaanaya gudaha England maanta oo Jimce ah, waxaa jiro magacyo cusub oo u sharaxan shaqada tababarka ee kooxda Manchester United, haddii ay dhacdo in shaqada laga cayriyo Ole Gunnar Solskjaer.

Sida wararka qaar ay tilmaamayaan tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga yaabaa in shaqada laga cayriyo, kaddib markii ay Manchester United guuldarro lama filaan ah kala kulantay kooxda Young Boys, ciyaartooda koowaad guruubka F ee tartanka Champions League.

Also Read
Kooxda Manchester City oo raadineyso Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Express” ee dalka England, macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u sharaxan inuu ka badelo Solskjaer kursiga tababaraha xilli ciyaareedkan.

Also Read
Xiddigaha ugu mushaarka badan ee horyaalka Premier League

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in tababaraha reer Talyaani ee Antonio Conte uu kursigan kula tartamayo dhigiisa reer France ee Zinedine Zidane.

Also Read
Rashford oo guul ku hoggaamiyey Man United .

Wargeyska “Express” ayaa wuxuu sidoo kale tilmaamay in Zinedine Zidane horrey lala xiriiriyay shaqada tababarka ee kooxda Manchester United sanadkii 2018, kaddib markii uu ka tagay Real Madrid, laakiin macalinka reer France ayaa doorbiday inuu nasto oo uusan xilligaas hoggaamin koox kale.

  

Latest posts

Gabriel Jesus oo ku faraxsan Kooxdiisa Cusub

Iftiin FM Reporter

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee maanta

Iftiin FM Reporter

Ángel Di María oo heshiis la gaaray Juventus

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi