
Xatooyada Caruurta waa fal ugub ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa la yiri “Wax la arag waxna noo laaban” oo loola jeedo wax aan hore loo arki jirin oo soo kordhay oo la yaab ku noqday dadka ..taas waxaan ula jeednaa
falal aan hore loo aqoonin oo maanta Soomaaliya laga maqlo oo noqday kuwo dhegaha dadka ku soo noqnoqda .
Waxaa la maqlayaa kufsi ..iyo xatooyo caruur..iyadoo baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba si joogta ah ay uga soo muuqanayaan caruur la baafinayo oola la’ yahay halka meelaha qaar la soo tabinayo dad lagu qabanayo caruur ay xadayeen.